Israa’iil oo oggolaatay wadahadal
Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu amray in la bilaabo wada-hadallo lagu sii daynayo dhammaan la haystayaasha hadhsan, la na soo afjaro dagaalka ka socda Qasa isagoo ku tilmaamay mid ay Israa’iil aqbali karto.
Netanyahu ayaa u sheegay askarta Israa’iil habeenimadii Khamiista in golihiisa wasiirada ay sidoo kale ansixiyeen qorshaha duulaanka weyn ee lagu qaadayo magaalada Qasa ee dhanica waqooyi ee dhulkaasi, inkastoo ay jiraan mucaaradad xooggan oo gudaha iyo dibaddaba uu kala kulmayo.
Xamaas ayaa aqbashay hindise ay soo jeediyeen dhexdhexaadiyaasha Qatar iyo Masar ee xabbad joojinta 60-ka maalmood ah isniinta, taas oo sida ay Qatar sheegtay lagu sii deyn doono kala badh dadka ku haray Qasa.
Laakin isaga oo ka jawaabaya markii ugu horraysay, Netanyahu ma aanu aqbalin qorshaha hadda miiska saaran.
Warbaahinta Israa’iil oo soo xiganaysa sarkaal Israa’iili ah ayaa sheegay in dhexdhexaadiyeyaal loo diri doono wada-hadallo cusub marka la go’aamiyo goobta ay ka dhacayaan.




