Iiraan oo markii ugu horraysay tijaabisay awooddeeda ciidanka badda dagaalkii kaddib

Ciidammada badda ee Iiraan ayaa sheegay in ay badda ku ganeen saddex gantaal oo magacyadooda lagu kala sheegay “Nasir, Ghadir, iyo Ghader” leyliga gantaalaha “Eqtdar Paydar 1404”.

Waa dhoolatuskii ugu horreeyay ee ay Iiraan sameyso tan iyo dagaalkii 12-ka maalmood socday ee ay la gashay Israa’iil.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay ciidammada badda Iiraan, dhoolatuskan gantaalaha ayaa bilowday (Khamiis, August 21) iyadoo ujeedadu tahay in la muujiyo “awoodda difaaca iyo tijaabinta hubkii ugu dambeeyay” ee waqooyiga badweynta Hindiya iyo badda Cummaan, oo ay qayb ka yihiin “cutubyo ciidanka lugta ah, cirka iyo badda iyo kuwa kale”.

Sida laga soo xigtay talefishanka qaranka Iiraan, intii uu socday dhoolatuska, waxaa gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu garaacay bartilmaameedyo ku yaalla biyaha badweynta Hindiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker