Nin reer Ukrain ah oo loo xidhay qaraxii yaabka lahaa ee dhuumaha Nord Stream,

Dacwad-oogayaasha Jarmalka ayaa sheegay in nin u dhashay Ukraine lagu xidhay Talyaaniga, iyadoo lagu tuhunsan yahay inuu qarxiyay dhuumaha gaaska ee Nord Stream ee hoos mara Badda Baltic, bilo kadib markii Ruushku bilaabay duullaanka buuxa ee Ukraine sanadkii 2022.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Serhii K oo kaliya, ayaa lagu qabtay gobolka Rimini, waxaana la sheegay inuu ka tirsanaa koox hoos dhigtay walxaha qarxa dhuumaha Nord Stream 1 iyo Nord Stream 2 ee u dhexeeya Ruushka iyo Jarmalka, sida ay sheegayaan xeer-ilaalinta federaalka.

Qaraxyadaas ayaa jaray mid ka mid ah ilihii ugu muhiimsanaa ee gaaska dabiiciga ah ee Yurub, xilli ay hoggaamiyeyaasha la tacaalayeen dhibaato dhanka tamarta ah oo ka dhalatay dagaalka Ruushka.

Wax qof ah oo sheegtay masuuliyadda weerarka lama hayo, iyadoo Ukraine-na ay si cad u beenisay in ay wax lug ah ku leedahay arrintaas.

Ninka reer Ukraine ah oo ay qabteen booliiska milateriga Talyaaniga ee loo yaqaan carabinieri, kuwaas oo saldhig ku leh magaalada xeebta woqooyi ku taalla ee Misano Adriatico, ayaa lagu tuhunsan yahay inuu ka mid yahay maskaxdii ka dambeysay hawlgalka qaraxa dhuumaha.

Dacwad-oogayaashu waxay sheegeen inuu ka tirsanaa koox kireysatay doon nooca yacht-ka ah, kana baxday dekedda Rostock ee Jarmalka kuna dhaqaaqday meel ka mid ah Badda Baltic ee u dhow jasiiradda Bornholm ee dalka Denmark.

In kasta oo dhuunta Nord Stream 2 aysan waligeed shaqo bilaabin, haddana labada dhuumo ee Nord Stream 1 ayaa si joogto ah ugu diri jiray gaas dabiici ah 1,200km (745 mayl) oo hoos mara Badda Baltic laga bilaabo xeebaha Ruushka ilaa waqooyi-bari Jarmalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker