Kulanka Madaxweynaha iyo Madax-dhaqameedka, Waxgaradka, Haldoorka iyo Waayeelka Gobolka Togdheer.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo maalintii 2-aad Safar Shaqo ku jooga Magaalada Burco ayaa caawa kulan aad u muhiim ah la qaatay Madax-dhaqameedka, Waxgaradka, Waayeelka Gobolka Togdheer.
Waxa xusid mudan in labeentii reer Togdheer ay si dhab ah u qireen in halku-dhegga Xukuumadda ee ah “Wadajir iyo Waxqabad” uu rumoobay, sababtoo ah:
“Wadajirkii caawa waxa uu ka muuqdaa Gobolka Togdheer, Waxqabadkii Xukuumaddaadana ee Burco waxa aad ku muujisay hal maalin gudaheed”
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray:
1. Xoojinta nabadgelyada iyo wada-jirka bulshada,
2. Doorka hoggaanka dhaqanka, waxgaradka, haldoorka iyo odayaashu ay ku leeyihiin dawlad-dhiska, nabadda, wadajirka iyo isu-haynta ummadda iyo horumarka bulshada Somaliland
3. Taageerada mashaariicda horumarineed ee ka socota gobolka iyo kor u qaadidda wadashaqeynta dowladda iyo bulshada reer Togdheer.
Madax-dhaqameedka, waxgaradka iyo waayeelka Gobolka Togdheer ayaa Madaxweynaha JSL si weyn ugu bogaadiyey hoggaamintiisa Qaran iyo dedaallada uu ka hirgeliyey ammaanka, nabadda iyo wadajirka ummadda Somaliland.
Sidoo kale, Madax dhaqameedka iyo Waxgaradka reer Togdheer waxa ay Madaxweynaha u xaqiijiyeen in ay diyaar u yihiin in ay sii xoojiyaan wadashaqeynta iyo taageerada Dawladda Wadajir iyo Waxqabad, si loo gaadho himilooyinka Qaran ee ay Somaliland hiigsanayso.
Madaxweynuhu waxa uu u mahadceliyay odayaasha iyo waxgaradka Togdheer kaalinta wanaagsan ee ay kaga jiraan nabadda, xasilloonida iyo taageerada ay siiyaan Qarannimada Somaliland, isaga oo ku booriyay in ay sii xoojiyaan doorkooda taariikhiga ah iyo awooddooda dhaqan ee isku wadka bulshada walaalaha ah.




