Weerar ka dhacay Yemen oo dad badan ku dhinteen
Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in 25 qof ay ku dhinteen ama lagu la’yahay weerar ay Sacuudigu ku qaadeen basas iyo gawaari xamuul ah, oo marayay koonfur-galbeed dalkaas.
Xuutiyiinta oo taageero ka hela Iiraan, isla markaana maamula qaybo ka mid ah Yemen, ayaa dagaal kula jira isbahaysi uu Sacuudigu hoggaamiyo oo taageera dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay.
Warbaahinta xiriirka la leh Xuutiyiinta ayaa sheegtay in joogitaanka diyaaradaha Sacuudiga ee hawada deegaanka uu caqabad ku noqday gurmadka iyo baadi-goobka dadka la la’yahay.
Afhayeenka milatariga Xuutiyiinta, Yaxya Sariic, ayaa weerarka ku dhawaaqay shalay, balse ma uusan sheegin tirada khasaaraha.
Waxa uu sidoo kale ku hanjabay in weerarkaasi aanu jawaab la’aan ku dhammaan doonin.




