Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Dhagax-dhigay Dib-u-dhiska iyo Casriyeynta Garoonka Ciyaaraha ee Alamsey Xadhigana ka jaray Waddooyin Cusub.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta dhagax-dhigay Dib-u-dhiska iyo Casriyeynta Garoonka Caanka ah ee Kubadda Cagta ee Alamsey ee ku yaalla magaalada Burco.

Mashruucan cusub ayaa lagu ballaadhin doonaa garoonka, laguna dari doonaa Kaabeyaasha Casriga ah ee lagama maarmaanka u horumarinta Ciyaaraha Qaranka.

Madaxweynuhu waxa uu Garoonka Alamsey ku tilmaamay Astaan muhiim u ah Dhallinyarada iyo Bulshada reer Burco, taasoo salka ku haysa kor-u-qaadidda ciyaaraha, caafimaadka iyo is-dhexgalka bulshada.

Madaxweynuhu waxa uu intaa ku daray in dib-u-dhiska Garoonka Alamsey uu ka mid yahay qorshaha guud ee xukuumadda ee lagu horumarinayo dhalinyarada iyo kaabeyaasha ciyaaraha ee dalka oo dhan.

Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu xadhigga ka jaray waddo 19 KM ah oo ay hirgelisay Dawladda Hoose ee magaalada Burco.

Duqa degmada Burco mudane Maxamed Xirsi Axmed oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ay Dawlad Hoose ahaan xil weyn iska saareen sidii magaalada loogu samayn lahaa waddooyin casri ah oo fududeeya isku socodka gaadiidka gudaha magaalada.

Madaxweynaha oo xadhig ka jarka kaddib kelmedo kooban halkaa ka jeediyey, ayaa masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Burco iyo Shaqaalahoodaba ku ammaanay dedaalka ay ugu jiraan horumarinta magaalada, waxana uu kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan dedaalkooda.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker