Awdal:Daah-furka Ololaha Dib ugu noqoshada goobaha waxbarashada.
Agaasimaha guud ee W.W.B&S JSL Cabdiraxmaan Xuseen Xirsi ayaa magaalada Boorama ka daahfuray Ololaha dib ugu noqoshada goobaha waxbarashada ee sannad dugsiyeedka 2025/2026.
Munaasibad balaadhan oo loo qabtay furitaanka ololaha ayaa ka qabsoontay magaalada Boorama, waxaana kasoo qayb galay qaar ka mida agaasime waaxeedada wasaarada waxbarashada, maayir ku xigeenka magaalada Boorama, gudoomiyaha waxbarashada gobolka Awdal, waalidiin, qaar ka mida maamuleyaasha dugsiyada iyo arday.
Masuuliyiinta ayaa bulshada ugu baaqay in caruurta gaadhay da’ada waxbarashada la keeno goobaha waxabarashada.
Agaasimaha guud ee WWB&S Cabdiraxmaan Xuseen Xirsi oo munaasibada ka hadlay ayaa ku dheeraday muhiimada waxbarashada, waxaanu agaasimuhu bulshaweynta gobolka Awdal kula dardaarmay in ardayda la keeno goobaha waxbarashada.




