Madaxweynaha Somaliland oo Gaadhay Sheekh
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro weftigii uu hoggaaminayey oo maalmihii ugu dambeeyey safar shaqo ku joogay Magaalada Berbera ee Caasimadda Gobolka Saaxil ayaa ku hakaday Degmada Sheekh.
Intii uu Madaxweynaha ku sugnaa magaalada Sheekh, waxa uu soo kormeeray Iskuulka caanka ah ee
IGAD Sheikh Technical Veterinary School (ISTVS) ee Culuunta Xoolaha isaga oo warbixino iyo xog-warran aqooneed ka dhegeystay Maamulka, Macallimiinta iyo aqoonyahano ka hawl gala Iskuulkan. Waxa ay Madaxweynaha uga xog-warrameen qiimaha uu Iskuulkani u leeyahay Qaranka JSL, waxana ay hoosta ka xarriiqeen in aqoonta iyo qalabka yaalla Iskuulkani haddii sideeda looga faa’idaysto ay qayb weyn ka qaadan karaan horumarka dalkeena.
Madaxweynaha waxa uu soo booqday Shaybaadho (Laboratories)
kala duwan oo ay yaallaan qalab Casri ah, sida:
1. Food Hygiene Lab oo lagu baadho feyo-qabka Cuntada,;
2. Diagnostic lab oo lagu baadho dhamaan xanuunada ku dhaca Xoolaha;
3. Soil lab oo lagu baadha Carrada iyo qaybeheeda kala duwan;
4. Tissue Culture lab: Waxa lagu tarmiyaa dhirta qiimaha le ee sii dabargo’aysa.
Dhinaca kale, Madaxweynaha waxa looga xog-warramay baahiyaha aasaasiga ah ee u baahan in la daboolo iyo arrimaha u baahan in wax laga qabto. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Xukuumaddu ay diyaar u tahay wax ka qabashada baahiyaha ka jira Iskuulka ISTVS iyo weliba kobcinta Hay’adaha Aqoonta ee Degmada Sheekh.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si rasmi ah Xadhigga uga jaray Xarunta Dab-damiska ee Degmada Sheekh, kaasi oo kor u qaadaya adeegyada gurmadka degdegga ah iyo badbaadada bulshada reer Sheekh.




