Falaagada M23 oo hakisay wadahadaladii nabadeed ee ay la lahaayeen dowlada DR Congo

Jabhadda ugu weyn bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, M23, ayaa ka baxday wada-hadalla nabadeed ee ay kula jirtay dowladda, iyagoo sheegay inaysan soo laaban doonin haddii aanay dowladdu u hoggaansamin heshiiskii hore ee xabbad-joojin.

Dagaalka labada dhinac ayaa sii kordhay bishii Janaayo, markii M23 ay qabsadeen qaybo badan oo ka mid ah dhanka bariga ee qaniga ku ah macdanta, oo ay ku jirto caasimadda gobolka Goma.

Dalka Qatar bishii hore, fallaagada iyo dowladdu ayaa ku kala saxiixday heshiis xabbad-joojin ah oo loogu talagalay inay noqdo tallaabo loo qaaday in lagu gaaro heshiis nabadeed oo joogto ah.

Balse isniintii, iyadoo lagu wado in wada xaajoodyadu dib u bilowdaan, M23 waxay sheegeen in wakiiladooda aysan joogin Qatar.

Afhayeenka M23 Lawrence Kanyuka ayaa u sheegay laanta afka Great Lakes ee BBC in dowladda Congo “aysan rabin nabad.

Wuxuu ku eedeeyay mas’uuliyiinta dowladda inaysan ixtiraamin qodobbada ku jira heshiiska xabbad joojinta, laakiin militariga DR Congo ayaa beeniyay eedeymahan.

Kanyuka ayaa ku eedeeyay ciidamada dowladda in ay sii wadeen weerarada ay ku qaadayeen fariisimaha mucaaradka, inkastoo heshiiska uu dhigayay in labada dhinac ay tahay in ay ka fogaadaan weerarada.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada qalabka sida ee Kongo ayaa M23 ku eedeeyay in ay weeraro ku dhawaad maalin kasta ah ka fuliyaan waqooyiga Kivu iyo koonfurta Kivu.

Heshiiska nabadeed ee Qatar ayaa lagu waday in la saxiixo Isniintii

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker