Jamhuuriyadda Somaliland waxay si adag u cambaaraynaysaa faragelinta Dawladda Turkiga.

War saxaafadeed uu soo saaray wasiirka wasaaradda arrimaha dibada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu faahfaahiyay farogelinta dawladda Turkiga waxaanu u dhignaa sidan:

“Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa u yeedhay Qunsulka Guud ee Jamhuuriyadda Turkiga ee Hargeysa, kadib markii la xaqiijiyey warar ku saabsan kulan ka dhacay Muqdisho oo dhexmaray Safiirka Turkiga iyo shakhsi lagu ogyahay inuu ku lug leeyahay falal lid ku ah amniga iyo qaranimada Somaliland.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay u aragtaa tallaabadan faragelin cad oo aan marnaba la aqbali karin. Sidaas awgeed, Dawladda Somaliland waxa ay si rasmi ah uga dalbatay Safiirka Turkiga inuu bixiyo sharaxaad degdeg ah oo lagu qanci karo, kuna saabsan sababta ku keliftay ficilladan la xidhiidha faragelinta iyo carqaladaynta amniga Somaliland.
Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay mar kale caddeynaysaa inaanay marnaba aqbali doonin ficillo wax u dhimaya madax-bannaanideeda, amnigeeda, ama danaha qaranka ee ay leedahay”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker