𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐦𝐢𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐞 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐦𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐚𝐱𝐢𝐥
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ku gudo jira maalintiisii labaad ee Safarka shaqo ee magaalada Berbera, ayaa kulan muhiim ah oo is xog waraysi ah la qaatay Hoggaamiye Dhaqameedka Gobolka Saaxil.
Hoggaamiye Dhaqameedka Gobolka Saaxil ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyey sida xilkasnimada iyo waddaniyadda leh ee uu uga soo dhalaalay dhammaanba ballanqaadyadii ololaha ee la xidhiidhay horumarinta Gobolka, kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin hoos u dhigista qiimaha Korontada oo bulshada Xeebta Berbera culays dhaqaale oo aad u weyn ku haysay. Sidoo kale, Hoggaanada Dhaqanku waxa ay sheegeen in muddadii koobnayd ee ay xilka haysay Xukuumadda cusubi ay wax weyn ka qabatay adeegyada muhiimka u ah nolosha bulshada reer Berbera.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka dareen celiyey hadalladii haldoorka dhaqanka ee Gobolka Saaxil, ayaa si weyn ugu mahad naqay Hoggaamiye Dhaqameedka Gobolka Saaxil, sidoo kalena soo dhaweeyey aragtiyaha iyo talooyinkii ay soo jeediyeen, waxana uu hoosta ka xarriiqay in ay Xukuumaddiisa ka go’an tahay fulinta ballanqaad kasta oo lala galay guud ahaanba bulshada Jamhuuriyadda Somaliland.




