𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐞𝐤𝐞𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐫𝐛𝐞𝐫𝐚.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo weli ku gudo jira safarkiisii shaqo ee uu ku joogay Magaalada Berbera, ayaa soo kormeeray Dekedda Caalamiga ah ee Berbera, si uu ugu kuur-galo hab-sami u-socodka hawlaha baaxadda leh ee ka socda Dekadda Casriga ah ee Berbera iyo horumarka lagu sameeyey xaruntan strateejiga ah.
Madaxweynaha waxa booqashada ku wehelinayay Masuuliyiin Sare oo ka tirsan Xukuumadda iyo Madaxda Gobolka iyo Degmada ayaa soo kormeeray Dekedda Caalamiga ah ee Berbera, waxana uu warbixin ka dhegaystay Maareeyaha Dekadda Mudane Cali Diiriye Maalin-tacab iyo Masuuliyiin kale. Intii uu Madaxweynuhu ku guda jiray booqashada, maamulka Dekeddu waxa ay uga xog warrameen awoodda adeegga Dekedda, sida casriga ah ee loo qalabeeyey iyo Qorshayaasha socda ee lagu balaadhinayo Marsada Berbera.
Madaxweynaha ayaa Mas’uuliyiinta sare iyo Shaqaalaha Dekedda ku bogaadiyey shaqada culus ee ay Qaranka u hayaan, isaga oo caddeeyay in Dekedda Berbera ay tahay laf-dhabarta koboca dhaqaalaha dalka, ganacsiga gobolka oo dhan.
Kormeerka Madaxweynuhu waxa uu muujinayaa sida ay Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad uga go’an tahay in ay sii xoojiso doorka Caalamiga ah ee Dekedda Berbera oo ah in ay noqoto xuddunta Maraakiibta iyo Ganacsiga u kala gooshaya Caalamka iyo gaadiidka xamuulka ee Geeska Afrika.



