Shacabka Israa’iil oo ka bannaanbaxaya qorshaha Israa’iil ku dooneyso in ay ku qabsato Qasa

Israaโ€™iil gudaheeda, shaqo joojin guud oo hal maalin ah ayaa la filayaa in la qabto maanta oo Axadd ah, si looga mudaaharaado qorshaha dowladda ee ah in la qabsado magaalada Qasa.

Qoysaska dadka la haysto iyo dad kale ayaa codsaday shaqo joojinta, iyaga oo sheegaya in fidinta dagaalka ay khatar weyn gelinayso nolosha Israaโ€™iiliyiinta ay Xamaas hayso.

Arrintani waxay imaaneysaa toddobaad kadib markii golaha dagaalka ee Israaโ€™iil uu u codeeyay in la qabsado magaalada Qasa, oo ah magaalada ugu weyn dhulkaas iyo in dadka halkaas ku nool la barakiciyo, tallaabadaas oo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uu cambaareeyay.

โ€œSi loo diyaariyo in shacabka laga raro goobaha dagaalka looguna raro koonfurta Marinka Qasa ayaa dib loo bilaabi doonaa keenista teendhooyinka iyo qalab hoy u noqon kara shacabka Qasa,โ€ ayay tiri hayโ€™adda milateriga Israaโ€™iil ee COGAT.

Afhayeen u hadlay maamulka magaalada Qasa ayaa sheegay in barakac ballaaran uu mar hore ka bilowday xaafadda Zaytuun, kadib lix maalmood oo duqeymo cirka ah, madaafiic iyo burburin joogto ah oo Israaโ€™iil ka geysatay halkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker