𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐢𝐬 𝐰𝐞𝐲𝐝𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢 𝐥𝐨𝐨 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐝𝐚 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐝𝐚𝐱𝐚 𝐛𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta si rasmi ah u soo xidhay tababar iyo aqoon isweydaarsi socday muddo laba maalmood ah kaas oo loo qabtay Madaxda cusub ee Hay’addaha madaxa bannaan ee Dawladda JSL.
Tababarkan ayaa ahaa mid muhiimad weyn u lahaa dib u-habeynta Hay’addaha Qaranka, Horumarinta wadda shaqeynta hufan ee dhexdooda iyo xoojinta Maamul wanaaga.
Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo soo xidhay tababarkaasi ayaa si weyn ula dardaarmay Masuuliyiinta tababarka loo qabtay waxana uu yidhi:
“Maanta halkani waxa aan u imi in aan idinla dardaarmo, waxa aad haysaan Masuuliyad culus oo u baahan in loo guto sida ugu wanaagsan, xilkanina idinka ayaa soo doontay oo si aad u heshaan albaab kasta garacay, markaasi waxa loo baahan yahay in masuuliyada aad qaadeen aad sideeda uga soo bahdaan. Wixii halkani la idiinku sheegay waa in aad maankiina la kaashataan oo aad weelaysaan. Waar waa la idin xisaabin doona, ummada innaga ayaa masuuliyadda u qaaday, markaasi waa in aan si hufan loogu shaqeeyaa.” ayuu yidhi .
Ugu dambeyntii Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa sheegay in Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ay Sharciga la tiigsan doonto ciddii lagu qabto in ay ku kacdo falal la xidhiidha musuq-maasuqa.”




