Wasiirka Tamarta iyo Macdanta oo Golaha Wakiillada horgeeyay Xeerka Korontada si loo helo Koronto jaban oo la Aamini karo

 

Hargeysa (OWN) Wasiirka Wasaaradda tamarta iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Jaamac Barre, ayaa hortagay Golaha Wakiillada si uu u jeediyo warbixin ku saabsan wax ka beddel iyo kaabis lagu sameynayo Xeerka Korontada Somaliland (Xeer Lr. No. 81/2018).

Wasiirku wuxuu sheegay in xukuumaddu ay xeerkan dib u eegistiisa ku waddo si loo hirgeliyo qorshaha qaranka ee ah in dalka laga dhiso suuq koronto oo casri ah, hufan, jaban, la awoodi karo, la isku halayn karo, isla markaana badqaba.

Wuxuu intaa ku daray in isbeddelka lagu sameynayo xeerka uu fure u yahay horumarinta adeegga korontada, kor u qaadidda tayada, yareynta qiimaha, iyo dhiirrigelinta maal-gashiga gaarka loo leeyahay.

“Ujeedada xukuumadda wadajir iyo waxqabad xeerkani ay ka leedahay waa in lagaga dhabeeyo himilada Qaranka ee ah in la helo koronto jaban, la awoodi karo, la isku haleyn karo, isla markaasna badqabta, in dib u dhis, kaabis iyo horumarin balaadhan lagu sameeyo suuqa korontada JSL”

Golaha Wakiillada ayaa la filayaa in ay si qoto dheer uga doodaaan wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerkan muhiimka ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker