Maamulka Masjidka Degmada Allaybaday oo lagu wareejiyay Solarka cadceeda ku shaqeeya.
Alleybadey (OWN) Qaar ka mid ah dhalinyarada iyo qurbejoogta ka soo jeeda degaanka Alleybadey ee gobolka Gabiley, ayaa si iskaa wax u qabso ah Solar tamarta cadceedda ah ugu deeqay masaajid ku yaalla magaaladaasi.
Masaajidkan oo aan hore u lahayn wax laydh ah, ayaa muddo dheer habeenkii mugdi ku ahaa, taasoo dhibaato ku ahayd bulshada tukanaysa salaadaha habeenkii sida taraawiixda, tahajudka iyo cibaadooyinka kale.
Deeqdan ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada, waxaana culimada masaajidka ay si kal iyo laab ah uga mahadceliyeen dhalinyarada iyo qurbejoogta deeqdan bixiyey.
Waxay sidoo kale ka codsadeen in laga taageero qorshaha dib-u-dhiska masaajidka, gaar ahaan saqafka sare ee u baahan dayactir.
Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid tusaale wanaagsan u ah iskaashiga bulshada iyo sida loo ilaalin karo goobaha cibaadada.



