Kalfadhigii 88-aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo furmey

 

Hargeysa (OWN) Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa furey Kaldhigii 88-aad ee golahaasi, waxaanu ka jeediyay khudbad muhiim ah.

Guddoomiye Saleebaan wuxuu sheegay in xaaladda amni ee gobollada bariga dalka ay hadda wanaagsan tahay, taasoo muujinaysa in ay jirto deganaansho iyo kala dambeyn ka jirta deegaanadaasi.

Tani waa war farxad leh, maadaama ay jiraan waqtiyo hore oo gobolladaasi ay ka jireen walaacyo amni.

Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale si gaar ah uga hadlay xiisado u dhexeeya beelaha walaalaha ah ee ku nool galbeedka Somaliland, wuxuu caddeeyey in xaalad dagaal sokeeye ah laga baqayo, maadaama labada dhinac ay isku hub urursadeen.

Guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay in Golaha Guurtidu aanay u dulqaadan doonin xaaladahan haddii ay faraha ka baxaan, isla markaana ay deg deg uga hawlgeli doonaan sidii xal looga gaadhi lahaa.

Mudane Saleebaan wuxuu si gaar ah ugu mahadnaqay Madaxweynaha Mareykanka, isagoo sidoo kale bogaadiyey qurba-joogta reer Somaliland, ee ka shaqaynaya sidii dalku u heli lahaa aqoonsi caalami ah.

Wuxuu ku sifeeyey dadaalkooda mid muuqda oo mudan in lagu ammaano.

Gaba-gabadii guddoomiyuhu wuxuu bulshada ku booriyey inay ka qaybqaataan taageerada dadka ay abaartu saameysay, gaar ahaan kuwa ku nool bariga iyo galbeedka Somaliland.

Wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay iskaashi qaran si wax loogu qabto dadka nugul ee xaaladaha adag ku jira.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker