Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si xoogan u soo dhawaysay warqaddii uu Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha Afrika u qaabilsan Guddida Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senete-ka uu u qoray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si xoogan u soo dhawaysay warqaddii uu Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha Afrika u qaabilsan Guddida Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senete-ka Baarlamanka Maraykanka Md.Ted Cruz uu xalay u qoray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, taasi oo uu ugu baaqay inuu dal madaxbannaan u aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo
Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland oo lagu faafiyey barta X (Twitter) ayaa lagu amnaanay taageerada joogtada ah ee Ted Cruz uu siiyo Somaliland.

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay si mug leh ugu mahadnaqaysaa Senator Ted Cruz, taageeradiisa joogtada ah iyo u doodistiisa mabda’a ku dhisan ee ku saabsan aqoonsiga Somaliland.

Waxa naga go’an Somalilqnd ahaan xoojinta iskaashiga waara ee naga dhexeeya Maraykanka si aan u wada xaqiijino yoolalka aanu wadaagno.
In ka badan soddon sanno, Somaliland waxay ilaalinaysay nabadda, xasilloonida iyo hannaanka dimuqraaddiyadeed. Codadka mabda’a ku saleysan ee noocan ahi waxay sii kor u sii qaadayaan qiyamka aynu wadaagno,” ayaa lagu yidhi qoraalkan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi oo iyaguna si gaar gaar ah bartooda X qoraalo ku qoray ayaa waxay si xoogan u bogaadiyeen dedaalka uu Xildhibaan Ted Cruz ugu jiro aqoonsi-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna shacbiga reer Somaliland ugu baaqeen inay si midaysan xildhibaankaasi ugu taageeraan qaddiyadda aqoonsiga Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker