“Waxaan aaminsanahay in aan haysanno waxyaabo qiimo leh oo aan ku soo kordhin karno Maraykanka iyo saaxiibadiisa.”
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Khadar Xuseen, ayaa sheegay in ay Somaliland diyaar u tahay in ay noqoto saaxiib masuul ah oo lagu kalsoonaan karto, Mareykanka iyo Saaxiibadii kala shaqaysa ka midho dhalinta dedaalada cusub ee aqoonsiga Somaliland.
“Waxaan aaminsanahay in aan haysanno waxyaabo qiimo leh oo aan ku soo kordhin karno Maraykanka iyo saaxiibadiisa.” Ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada, waxaanu intaas raaciyey.
“Somalia waxay adeegsanaysaa AS, sidii aalad ay ugu saameyso siyaasiyiinta Mareykanka iyo inay kor u qaaddo fowdada gobolka.” Wasiirka Madaxtooyada JSL, waxa uu sidan ku yidhi qoraal uu soo geliyey bartiisa X




