Maxkamadda ciidamada Somaliya oo toogatay xubno Al Shabaab ka tirsan
Goor dhoweyd ayaa waxaa dil toogasho ah lagu fuliyey seddex nin oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab.
Sida ay shaacisay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, 3da qof ayaa lagu kala magacaabaa Abuukar Axmed Maxamed (Anwar), Xamsa Jeylaani C/laahi (Abtiga) iyo Xassan Cali Xuseen (Garaad).
Seddexdaas nin ayey maxkamadda sheegtay in hore xukun dil ah loogu xukumay, waxayna intaa ku dartay inay “dilal iyo qaraxyo hore uga gaysteen caasimadda iyo gobolka Shabeelaha hoose”.
Fulinta xukunnada dilalka ayaa dib u soo billowday, ka dib markii in muddo ah ay hakad ku jireen sababo la xiriira fagaarayaasha toogashada.



