Madaxweynihii xidhay wariyayaal ka duubay muuqaal uu ka xanaaqay

Bishii Janaayo 2023, lix wariye oo ka tirsan telefishinka qaranka Koonfurta Suudaan ayaa la xiray kadib markii baraha bulshada lagu faafiyay muuqaal muujinaya Madaxweyne Salva Kiir oo u muuqda inuu ku kaadiyay dharkiisa intii lagu jiray munaasabad rasmi ah. Muuqaalka ayaa muujinayay dhibic qoyaan ah oo ku faafaysa surwaalka madaxweynuhu xirnaa xilli la qaadayay heesta qaranka, inkastoo aan muuqaalka laga baahin telefishinka.

Ururka suxufiyiinta Koonfurta Suudaan ayaa wakhtigaas sheegay in la xiray laba kaamiro-qaade, tafatire muuqaal iyo saddex shaqaale oo ka shaqeeya qaybta kontaroolka, kuwaas oo looga shakiyay inay aqoon u lahaayeen sida muuqaalku ku baxay. Madaxa ururka Patrick Oyet ayaa xusay in dadkaasi lagu hayay xabsi in ka badan 24 saac oo sharcigu ogol yahay, halka hay’adda CPJ ay ku tilmaantay dhacdadan mid ka tarjumaysa hab-dhaqanka amni ee lagu bartay Madaxweynaha ee lagu xiro weriyeyaasha marka war aan loo bogin la soo tabiyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker