Isku dhac Muqdisho ku dhex maray ciidanka dawladda iyo miliishiyo hubaysan

Qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa saaka laga maqlay rasaas ka dhacaysay.

Xaafadda tarabuunka ee degmada Hodan ayey dad goobjoogeyaal ah sheegeen inay is rasaaseyn ku dhex martay dad deganaa halkaas iyo ciidanka amniga. Gaar ahaan meesha iska hor imaadku ka dhacay ayaa lagu sheegay inay ahayd garoonkii kooxda Horseed.

Lama oga sababta keentay is rasaaseynta, waxaase wararka qaar ay sheegayaan in ay timid markii ciidanku ay halkaa tageen si loo dumiyo xaafadaas.

Rasaasta xaafadda ka soo dhaceysay ayaa la sheegay inay soo ridayeen dhallinyaro hubaysan, welina ma cadda khasaaraha inta uu le’eg yahay.

Dhawaqa rasaasta ayaa hadda yaraaday inkastoo la is hor fadhiyo sida aan wararka ku helayno.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker