Fannaanad caan ah oo Pope Leo ugu baaqday inuu soo arko carruurta Qasa

Madonna oo ah fannaanad caan ah ayaa ku boorrisay Baadariga Kaatoliga Pope Leo XIV inuu booqdo Qasa si uu u soo arko xaaladda caruurta gaajada u geeriyoonaya.

Boqoradda muusikada Mareykanka ayaa codsigeeda ku baahisay baraha bulshada, iyadoo sheegtay in Baadarigu yahay “kan kaliya ee annaga naga mid ah ee aan laga hor istaagi karin gelitaanka Qasa”.

Fariinteedu waxay timid xilli UK, Midowga Yurub, Australia, Canada iyo Japan ay si wadajir ah u soo saareen bayaan ay ku baaqeen in tallaabo degdeg ah la qaado si loo joojiyo “gaajada carruurtu u dhimanayaan”.

“Fadlan tag Qasa ,” ayay Madonna ku qortay Instagram-keeda. “Aniga oo ah hooyo, ma awoodo inaan daawado dhibtooda.”.

Dad badan oo dunida caan ka ah ayaa sidan oo kale uga hadlay xaaladda Qasa, iyadoo la muujiyay in Israa’iil ay ku xadgudbeyso xuquuqda aadanaha, taasoo ay beenisay israa’iil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker