Xukuumadda Somaliland oo qaaday tallaabo cusub oo fududeynaysa fiisaha dalka

Wasiirka arrimaha Dibadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Bakaal, ayaa maanta shir guddoomiyay oo lagu dhameystiray siyaasadda Visa on Arrival taasoo sahleysa in fiisaha dalka lagu helo marka la yimaado garoonka.

Shirka waxaa ka qaybgalay wasiirro iyo masuuliyiin sare, waxaana la isku raacay in qorshahan loo gudbiyo Golaha wsiirrada si loo ansixiyo.

Ujeedada arrintan ayaa ah in la fududeeyo safarka, gaar ahaan qurbejoogta Somaliland, iyo in kor loo qaado dhaqaalaha, ganacsiga, iyo dalxiiska dalka, iyadoo qayb ka ah qorshaha xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ee Wadajir iyo Waxqabad.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker