Muxuu Daarnaa Kulankii Siyaasi Maxamuud Xaashi , Xildhibaano iyo Siyaasiin kale

Kulan si weyn loo soo agaasimay oo ay ka qayb galeen siyaasiyiin uu hoggaaminayo Maxamuud Xaashi Cabdi, Maxamed Adaan Qabyo-tire, Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere),Cali Siciid Raygal, Daud Xuseen Jamac (FoodCade), Xildhibaano isugu jira xildhibaanadii hore iyo kuwa hadda ee Golaha wakiilada, aqoonyahan, ganacsato, odayaal, dhalinyaro iyo haween ayaa Xalay ka qabsoomay magaalada Hargaysa.

Kulankan oo warbaahintu Dibad-joog ka ahayd ayay ujeedadiisu ahayd wada-tashi iyo isxog-waraysi guud.

Kullankan oo si wayn loo faaqiday ayaan la garanayn waxa laga wada hadlay,balse waxa loobadinaya in ay dhinacyadani ka wada hadleen arrimaha furista ururada siyaasadda iyo sidii Maxamuud Xaashi u furan lahaa urur siyaasadeed uu ugu diyaar garoobo doorashada.

Siyaasi Maxamuud Xaashi ayaa kamid ah siyaasiyiinta sida wayn looga taageero Somaliland,waxaana uu saamayn wayn ku leeyahay saaxadda siyaasadda ee Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker