Israa’iil oo wajahaysa cambaareyn adag oo kaga imaanaysa Golaha Ammaanka
Israa’iil ayaa wajahaysa dhaleeceyn xooggan oo uga imaanaysa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York, kadib markii ay ballaarisay weerarkeeda ka dhanka ah marinka Qasa, Mas’uuliyiinta Golaha ayaa ka digay in tallaabadani ay furi doonto cutub kale oo naxdin leh oo dagaalka ah. Wakiilka Falastiiniyiinta ayaa ku baaqay in la saaro cunaqabateyn adag, halka Britain ay ka digtay daadinta dhiig hor leh.
Hase yeeshee, Mareykanka ayaa difaacay xaqa Israa’iil u leedahay in ay go’aansato istiraatiijiyaddeeda amniga, isaga oo dhaliilaha ku eedeeyay in ay taageerayaan borobogaandada Xamaas.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, oo horey u qabtay shir jaraa’id oo aan caadi ahayn, ayaa sheegay in weerarka uusan kaliya ku koobnayn magaalada Qasa, balse uu gaari doono xeryaha ay ku barakaceen in ka badan nus milyan Falastiiniyiin ah. Netanyahu ayaa ku andacooday in tani tahay dariiqa kaliya ee lagu jebin karo Xamaas.




