“Waa la gaadhay waqtigii aan heli lahayn aqoonsiga caalamiga ah”Wasiirka rrimaha Dibadda JSL.

Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa sheegay in Somaliland ay haatan ku dhowdahay in la aqoonsado madax bannaanideeda, isagoo xusay in waddanku hadda tollanayo “weelkii aqoonsiga.”

Wasiirku waxa uu hadalkan ka sheegay booqasho uu ku tegay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, gaar ahaan Radio Hargeysa, halkaas oo uu uga mahadceliyay soo dhaweynta ballaadhan.

Wasiir Cabdiraxmaan ayaa carrabka ku adkeeyay in Somaliland, 35 sano ka dib ay dunidu hadda garwaaqsanayso muhiimadda ay leedahay, isla markaana ay socdaan dooddo caalami ah, gaar ahaan gudaha Aqalka Cad ee Mareykanka, oo ku saabsan aqoonsiga Somaliland.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Madaxweynaha Somaliland, uu dhawaan safar rasmi ah ku tegi doono Mareykanka si loo xoojiyo danaha Somaliland.

Wasiirku waxa uu sidoo kale xusay in Baarlamaanka Somaliland, ansixin doono xeerka safiirrada, taasoo ah talaabo hor leh oo lagu dhisayo cilaaqaadka diblomaasiyadeed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker