Madaxweyne ku-xigeenka oo Shahaado Sharaf iyo Abaal-marin ah ku guddoonsiiyey afar qof oo dhalinyaro ah

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa Xafiiskiisa Shahaado Sharaf iyo Abaal-marin ah ku guddoonsiiyey afar qof oo dhalinyaro ah oo ku guulaystay kaalmaha ugu sarreeya ee Imtixaan laba heer ah oo la xidhiidha Aqoonta iyo Xirfadda Hantidhawrka Qaranka.

Madaxweyne ku-xigeenka, oo uu wehelinayo Hantidhawraha Guud ee Qaranka JSL Mudane Muuse Idigaa, ayaa dhalinyaradan (1. Farduus Xasan Cabdi; 2. Firiyaad Cabdillaahi Xasan; 3. Mustafe Cabdillaahi Axmed iyo Axmed-Nasir Daahir Xuseen ) ku amaanay dadaalkooda, kartidooda iyo heerka aqooneed ee ay muujiyeen, isaga oo xusay in guulahan ay gaadheen muhiim u yihiin xoojinta isla-xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka Hay’adaha dalka.

Waxa uu ugu baaqay in ay halkaa ka sii wadaan dedaalka, Qarankoodana ay ugu adeegaan daacadnimo iyo lexjeclo.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker