UK oo ka hadashay qorshaha Israa’iil ee qabsashada Qaza

Raysal wasaaraha UK, Sir Keir Starmer, ayaa ku tilmaamay go’aanka golaha ammaanka ee Israa’iil “in ay sii kordhiyaan duullaanka ay ku hayaan Gaza” mid qaldan, wuxuuna ugu baaqay dowladdaas inay si degdeg ah uga fiirsato.

“Tallaabadan waxba kama tari doonto soo afjarida khilaafkan isla markaana gacan kama geysan doonto sii deynta la haystayaasha, waxay horseedi doonta oo keliya “dhiig hor leh” oo daata,” ayuu yiri.

“Maalin walba dhibaatada bini’aadantinimo ee Gaza waa ka sii daraysaa, la haystayaashii ay Xamaas qafaasheenna waxaay wajahayaan xaalado aad u xun oo bini’aadantinimada ka baxsan, ayuu yiri.

“Waxa loo baahanahay waa xabbad-joojin, in la xoojiyo gargaarka bini’aadantinimo, siideynta dhammaan la haystayaasha Xamaas iyo in xal laga gaaro dagaalka ayuu intaas raaciyay.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri: “annaga oo kaashanayna xulafadayada, waxa aanu ka shaqaynaynaa qorshe mustaqbalka fog ah oo lagu xaqiijinayo nabadda gobolka, taas oo qayb ka ah xal-u-helidda laba dawladood, ugu dambayntiina la gaaroo mustaqbal ifaya oo ay yeeshaan Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta.

“Fariintayadu waa caddahay: xal diblumaasiyadeed waa suurtagal, laakiin labada dhinacba waa inay ka wantoobaan waddadii burburka.”, ayuu yiri raysal wasaare Keir.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker