Tirada dadka ku dhintay shilka diyaaraddii ku wajaynayd Somaliland
Diyaarad yar oo siday shaqaale caafimaad ayaa ku burburtay deegaan Githurai ee caasimada Kenya,Nairobi, galabnimadii Khamiista, waxaana ku dhintay ilaa Lix qof sida ay wakaalada wararka reuters kasoo xigatay masuuliyiinta deegaanka.
Diyaarada Cessna oo maamusho dhakhaatiirta duulimaadka AMREF ayaa ku wajahnayd Hargeisa caasimada Somaliland, sida lagu xusay qoraalka kasoo baxay hay’adda gargaarka.
Gudoomiyaha Ammaanka Kiambu Henry Wafula ayaa sheegay afar qof oo saarnaa diyaarada iyo laba qof oo dhulka ku sugnaa ay ku dhinteen shilka.
AMREF Flying Doctors ayaa ku sheegay qoraalkooda diyaarada Cessna ay ka kacday garoonka diyaaradaha Wilson, ayna ku wajahnayd Hargaysa, waxaana ay ku dul dhacday guri deegaan ah oo ku yaala aaga Githurai ee Nairobi




