Maanta oo ku eg wakhtigii uu Trump ugu qabtay Ruushka xabbad joojinta Ukraine
Go’aankii hore ee Trump ee uu wakhtiga kama dambaysta ugu qabtay Ruushka ee xabbad joojinta Ukraine ayaa maanta oo Jimca ah uu ku egyahay wakhtigeeda.
Ma uusan caddeyn haddii uu dhaqan galinayo goodinta inuu ku soo rogayo qaybo kamid ah Moscow iyo bahwadaagteeda ganacsiga.
Tirooyinka kasoo baxaya ciidamada cirka Ukraine ayaa muujinaya in aysan jirin weeraro gantaalada Ruushka tan iyo intii ergayga Maraykanka uu la kulmay Madaxweyne Putin Arbacadii.
Saddex wareeg oo wadahadalo toos ah oo u dhaxeeyay Ukraine iyo Ruushka oo ka dhacay Istanbul ayaa guul daraystay in dhammaad uu ka dhigo dagaalka mudadda saddexda sano iyo barka soconayay, ka dib galitaankii buuxay ee Ruushka.




