Dibedbaxyo looga soo horjeedo dowladda Israa’iil oo ka dhacay Tel Aviv
Waxaa durbaba Israa’iil ka bilowday “caro dadweyne” oo ka dhan ah qorshaha Benjamin Netanyahu uu ku doonayo inuu ku qabsado magaalada Gaza, sida uu BBC-da u sheegay wariye Israa’iili ah.
Tal Schneider, oo ah weriyaha arrimaha siyaasadda ee Times of Israel, ayaa sheegaya in dibedbaxyo looga so hor jeedo dowladda Israa’iil ay halkaas ka dhaceen , iyadoo dadku ay isugu soo baxeen waddooyinka magaalada Tel Aviv.
“Dowladdu waxay qaadaysaa tillaabooyin aan aad iyo aad looga soo hor jeedo,” ayay tiri iyadoo u warrantay barnaamijka Raadiyaha 4 ee BBC.
“Dhammaan ra’yi ururin dadweyne oo la sameeyay ayaa muujinaya in dadweynuhu ay aad uga soo horjeedaan tallaabadan,” ayay tiri.




