Bas nooca raaxada ah oo u kala gooshaya Nairobi iyo Addis Ababa oo la soo saaray
Shirkadda Abyssinia ayaa soo saartay baabuur dadweyne oo u kala gooshi doona magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya iyo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Shirkadda ayaa adeeggan si rasmi ah u bilowday Sabtidii, sida uu BBC-da u sheegay agaasimaha shirkaddaas, Michael James Macchio.
Qiimaha lagu raaci doono baskan nooca raaxada ah ayaa ah 7,500 oo shilinka Kenya ah ama 15,000 oo shilinka Kenya ah (qiyaastii 16,000 oo Birr Itoobiya ah) hadii aad isla baska ku soo laabaneysid.
Waxay u dhigantaa ilaa 55 doolar halkii tirib.
Mr. Michael ayaa sheegay in ay hore ugu shaqeyn jireen Moyale iyo Mombasa ee dalka Kenya.
Baskan cusub ayaa maalin kasta u kala gooshi doona magaalooyinka Nairobi iyo Addis Ababa.
Baska ayaa qaadi dona 46 qof, waxaana adeeggan si rasmi ah xariga looga jaray Sabtidii.




