Mareykanka oo shaaciyay dalalka Afrika ee dadkoodu dalban karaan fiisaha lacagta laga dhigayo
Mareykanka ayaa shaaciyay magacyada labo dal, oo ah dalalka ugu horreeya ee muwaadiniintooda ay dalban karaan fiisaha Mareykanka ee laga dhigayo lacagta.
Waxay lacagtaas gaari kartaa ilaa 15,000 oo doolar, iyadoo qiimaha lagu go’aamiyay wareysi.
Lacagta ayaa dib loo soo celin doonaa haddii qofka soo dalbaday fiisaha uu ka tago Mareykanka inta wakhtigiisu u dhamaan.
Labad dal ee shaaciyay ayaa kala ah Zambia iyo Malawi.
Sharciyada cusub ayaa waxay khuseeyaan fiisaha dalxiiska iyo ganacsiga labadaba.
Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa horay u sheegtay, in nidaamka dammaanadda uu bartilmaameedsan doono dalalka ay muwaadiniintoodu sii joogaan Mareykanka marka uu dhamaado wakhtigooda.




