Wariye Lagu Xidhay Hargeysa
Weriye Axmed Maxamuud Dool ayaa maanta lagu xidhay Hargeysa sida ay xaqiijiyeen dad la socday markii la xidhayay.
Weli ma cadda sababaha loo xidhay, xukuumadda iyo laamaha ammaankuna ma sheegin.
Xukuumadda madaxweyne Cirro ayaa dhawaan raaligelin ka bixisay xadhiga Saxaafadda balse waxa ay u muuqataa in xadhigu sii kordhayo.




