Madaxweynaha Somaliland oo Laga Hor Dhaariyaay Cabdirisaaq Maxamed Siciid oo loo magacaabay xubin ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta goob-joog ka ahaa Dhaarta Dastuuriga ah ee ku waajibtay Cabdirisaaq Maxamed Siciid oo loo magacaabay xubin ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka JSL, kaas oo ay dhawaan soo ansixiyeen Golaha Wakiilada Somaliland

Sida ku cad Xeerka Guud ee Doorashooyinka Qaranka iyo Diwaangelinta Cod-bixiyayaasha XEER LR: 91/2023, Qodobkiisa 28-aad, farqadiisa 3-aad iyo 4-aad; xubintan cusub ee loo magacaabay in uu ka mid noqdo KDQ, waxa Madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ahna Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee JSL, Mudane Aadan Xaaji Cali Axmed.

Munaasabaddan ayaa waxa ay muujinaysaa sida ay Dawladda Somaliland uga go’an tahay ku dhaqanka Sharciga iyo Xeerarka iyo ilaalinta nidaamka Dastuurka dalka JSL.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker