Dadka laga so tarxiilayo Mareykanka oo shaaciyay dalka la geynayo

Mareykanka iyo Rwanda ayaa ku heshiiyey in dalka Afrika uu qaabilo illaa 250 muhaajiriin ah oo laga soo tarxiilay Mareykanka, afhayeen u hadlay dowladda Rwanda oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters, . Sidoo kale sargaal u hadlay aqalka ayaa sheegay in maamulka madaxweyne Donald Trump uu mawqif adag ka taagan yahay muhaajiriinta.

Heshiiskan oo ay markii ugu horeysay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxaa bishii June ee sanadkan magaalada Kigali ku kala saxiixday saraakiil Mareykan iyo Rwandan ah, sida uu sheegay sarkaal u dhashay dalka Rwanda oo magaciisa qariyay, wuxuuna intaas ku daray in Mareykanku uu horay u diray liiska 10-ka qof ee ugu horeeyay.

Aqalka Cad iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaan wali ka hadlin arrintan, halka Waaxda Amniga Gudaha ay su’aalo u gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker