Madaxa UNRWA gargaarka diyaaradaha laga soo daadinayo ma laha kufilnaansho
Hay’adda QM u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta ayaa sheegtay gargaarka diyaaradaha laga soo daadinayo ay yihiin kuwo ka qaalisan gargaarka gaadiidka xammuulka, ayna ka yar yihiin tirada ay qaadaan.
Madaxa UNRWA Philippe Lazzarini ayaa sheegay ku filnaansho iyo dabool dhamaystiran aysan lahay gargaarka dusha laga soo daadinayo.
Lazzarini ayaa tilmaamay dadka reer Qaza ay ‘’baahi u dhimanayaan: ‘’ Wadada kali ah ee looga jawaabi karo macaluul ay tahay gargaar sida daadkii loo gaarsiiyo Qaza.
Qoraal uu soo dhigay barta X, ayuu ku sheegay Unrwa ay haysato ilaa 6,000 oo gaadiidka xamuulka ee laga buuxiyay gargaarka kuwaasi oo ku xaniban banaanka Qaza, ayna sugayaan ogolaanshaha inay galaan.
Sarkaal ka tirsan QM ayaa dib u xasuusanaya in Unrwa iyo ururada kale ay gaynayeen inta u dhaxaysa 500 ilaa 600 gargaarka gaadiidka xamuulka maalinkii Qaza intii lagu guda jiray xabbad joojinta horaantii sannadka, markii ‘’gargaarka uu ku gaaray dhammaan bulshada Qaza si nabbad ah oo ay Sharafi ku jirto.



