Yuhuudka tobanaanka sano iimaamka ka ahaa masjid ee dadka tujin jiray salaadaha

Dukumenti ay Israa’iil shaacisay dhawaan oo lagu hayey arkiifiyada dawladda ayaa ka hadlaya sheekada nin Israa’iili ah oo asalkiisu Beershiyaan yahay, kaasoo muddo sanooyin ah mu’addin ka ahaa magaalada N’djamena ee xarunta dalka Chad oo loo aqoon jiray Fort Lamy.

Dukumentiga waxaa ku jira warqad uu soo diray diblomaasi Israa’iili ah oo Africa ka soo shaqeeyey 1962kii, wuxuuna dukumentiga sheegayaa arrintaas sirta ahayd ilaa wakhti aan fogey nee la xiriirta qofka kaliya ee Israa’iiliga ah ee ku noolaa Chad.

Aryeh Lourie oo arrimo fuliye ka ahaa mid ka mid ah safaaradaha Israa’iil ayaa warqd u soo diray 30 September 1962 waaxda bariga dhexe ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil. Warqadda wuxuu ku sheegay in uu jiro qof reer Israa’iil ah oo mu’addin ka ah N’djamena.

“Waxaan ogaaday inuu yahay qofka kaliya ee Yuhuudka ah ee jooga Chad” ayuu warqadda ku qoray.

Wuxuu sheegay in George Hamdani oo ah nin reer Beershiya ah, kana soo jeeda magaalada Beershiya ku taalla ee Hamdan uu yimid Fort Lamy wakhti rubuc qarni laga joogo.

Xilligaas waxaa magaalada ku noolaa dad dhamaantood muslimiin ah, kuwaasoo markaas dhameeyey dhismaha masaajid aad u weyn , waxayna baadigoobayeen wadaad muslim ah oo dadka ugu yeera salaadaha, isla markaana salaadaha jameecooyinka tujiya.

BAcdamaa aysan helin qof kaalintaas buuxiya, Hamdan ayaa ku yaboohay inuu hawshaas qabanayo, isagoo sheegtay inuu yahay qof muslim ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker