Xisbiyada Kaah Iyo Kulmiye oo Shir yeeshay
Kulankii labaad ee labada xisbi mucaarad ee Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE iyo KAAH, ayaa ka qabsoomay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta (31/07/2025).
Kulanka oo ay ka qaybgaleen hoggaannada labada xisbi iyo xubnaha u kala qaabilsan farsamo ahaan shaqada Komishanka Doorashooyinka Qaranka, isla markaana ay kala hoggaanminayeen labada Guddoomiye xisbi, waxa si weyn loogaga dooday hawlaha
u-diyaar-garowga doorashooyinka, gaar ahaan diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha oo baahan in hawlaheeda qabashada iyo sixideedaba la fuliyo, iyadoo doorashooyinkuna waqtigooda ku qabsoomayaan.




