Trump oo ka hadlay taageerada Canada ee madaxbanaanida Falastiin
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in taageerada Canada ee “Dowladnimada Falastiin” ay ka “adkeyn” doonto in dalkaas lala galo heshiis ganacsi
Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social ku yiri:
“Canada waxay ku dhawaaqday inay taageereyso dowladnimada Falastiin, taasina waxay adkeyneysaa in Canada lala gaaro heshiis ganacsi”.
Hadalka Trump ayaa imanaya ka dib markii raysal wasaaraha Canada, Mark Carney uu ku dhawaaqay in waddankiisu “uu doonayo” inuu u aqoonsado Falastiin dal madax banaan.
Dalalka Ingiriiska iyo Faraansiiska ayaa horey u sheegay inay aqoonsan doonaan dawladnimada Falastiin.




