Tik Tok oo saaray muuqaal ay gabadha caanka ah Huda Kattan kaga hadashay Israa’iil
TikTok-ga ayaa saaray muuqaal ay samaysay gabadha caanka ah ee ganacsatada ah kana hadasha arrimaha isqurxinta, Huda Kattan, kaas oo ay ku taageertay aragtiyaha khaa-khuulka ah ee ka dhanka ah Israa’iil
Video-ga oo Axadii ay soo dhigteeda akoonkeeda Tiktok oo ay ku xiranyihiin 1.7 Milyan oo qof , ayaa gabadhan oo ah Ciraaqi-American ku eedaysay Israa’iil inay mas’uul ka ahayd “dagaal kasta oo adduunka ka dhacay”, iyo sidoo kale weerarkii al-Qaacida ee Sebtembar sanadkii 2001-kii, iyo weerarkii Xamaas ee Oktoobar 2023-kii.
Guddiga qowmiyadda Yuhuudda ee Maraykanka, ayaa sheegay in ereyadeeda ay ahaayeen kuwo “halis” ah.
Tik Tok waxaa uu sheegay in muuqaalkeeda ay kaga hadashay Israa’iil uu jebinayo xeerarkiisa bulsho.
Kattan waxay ka soo muuqatay liiska 100-ka dumarka ee BBC ee sanadkii 2023-kii
Waa aasaasaha iyo mulkiilaha Huda Beauty.




