Israa’iil oo ka falcelisay aqoonsiga Canada ee dawladnimada Falastiin

Israaโ€™iil ayaa Canada ku eedaysay in ay abaal marineyso Xamaas kadib markii ay ku dhawaaqday qorshayaal ay ku aqoonsanayso dawladnimada falastiiniyiinta.

Canada waa dalkii saddexaad ee ugu dhaqaalaha wayn oo sidaas ku dhawaaqay maalmo gudahood.

Raysal wasaaraha Canada, Mark Carney, ayaa sheegay inuu u baahan yahay inuu ilaaliyo rajada xal nabadeed oo laba dal ah.

Waxa uu sheegay in tallabadaasi ay dhici doonto bisha Sebtembar ilaa inta maamulka Falastiiniyiinta ay sameynayaan isbedello dimoqraadi ah.

Faransiiska iyo Britain ayaa sidoo kale ku dhawaaqay inay Falastiin u aqoonsanayaan dal madaxbanaan maalmihii la soo dhaafay — taasoo calaamad u ah isbeddel weyn oo tobanaan sano ah oo siyaasadda arrimaha dibadda ah.

Madaxweyne Trump ayaa ka digay in aqoonsiga Canada ee Falstiin ay “adkeyn” doonto in heshiis ganacsi lala galo Canada

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker