Canada oo ku dhawaaqday inay dal madax banaan u aqoonsaneyso Falastiin

Xamaas ayaa sheegtay in ay maanta u gudbin doonto Israa’iil magacyada afarta qof ee laheystayaasha ah ee la sii dayn doono, taasoo qayb ka ah heshiiskii xabbad joojinta ee Gaza.

Waxaa la filayaa inay noqdaan afar dumar ah oo isugu jira askar iyo dad rayid ah. Isweydaarsiga maxaabiista ee dhici doonta maalinta sabtida ah, Israel ayaa la filayaa inay sii deyso ilaa boqol iyo siddeetan dumar ah oo Falastiiniyiin ah oo maxaabiis ah.

Sido kale maalinta sabtida ah, kumanaan kun oo barakacayaal ah ayaa lagu wadaa in ay dib ugu laabtaan waqooyiga dhulkaas iyadoo ciidamada Israa’iil ay ka sii baxayaan Qaza.

Dhanka kale, Canada ayaa ku dhawaaqday inay dal madax bananan u aqoonsaneyso Falastiin iyadoo hore UK iyo Faraansiiska ay sheegeen inay aqoonsan doonaan Falastiin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker