Netanyahu oo ka hadlay qorshaha Britain ay ku aqoonsaneyso dowladnimada Falastiin
Raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in qorshaha Britain ay ku aqoonsanayso dowladnimada Falastiin haddii aysan Israa’iil gaarin xabbad-joojin ka hor bisha Sebtembar ay arrintaas abaal-marin u noqon doonto kooxda Xamaas.
Mr Netanyahu ayaa sheegay in shaacinta oo astaan u ah isbedel weyn oo ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda ee Britain – ay la macno tahay qancinta mujaahidiinta, waa sida uu hadalka u dhigayee.
Horaantii raysal wasaaraha Britain, Keir Starmer, ayaa soo bandhigay shuruudo ay tahay in Israa’iil ay fuliso si looga fogaado in taasi dhacdo, oo ay ku jiraan u oggolaanshaha QM inay dib u bilowdo saadka gargaarka.
Waxa uu sidoo kale dalbaday in la sii daayo la haystayaasha Xamaas.
Faraasiiska ayaa sidoo kale bisha September aqoonsan doono dowladnimada Falastiin.




