Giriigga oo difaacay go’aankiisa uu ku xidhxidhay muhaajiriin ka yimid Africa
Giriiga ayaa difaacay go’aanka uu ku xiray dhammaan dadka muhaajiriinta ah ee ku imaanaya doomaha yar yar ee ka imaanaya waqooyiga Afrika iyo in meeha laga saaro xuquuqdooda magangalyo.
Wasiirka socdaalka Giriiga, Thanos Plevri, ayaa sheegay inay tani ay jawaab sax ah u tahay xaalad deg deg ah oo taagan, ka dib markii boqolaal qof ay ku degeen jasiiradda Crete dhowr maalmood gudahood
Mr Plevris wuxuu sheegay in tallaabadan ay sii jiri doonto saddex bilood.
Weriye BBC-da ka tirsan oo ku sugan Crete ayaa sheegaya, in dadka ka soo cararay dagaalka Suudaan ay ka mid yihiin kuwa la xiray, loo diiday in la ilaaliyo isla markaana loola dhaqmo sida dad dembiilayaal ah
BBC




