Dadka ajaaniibta oo hadda ka iibsan karaan hanti gudaha Sacuudi Carabiya

Hadda muwaadiniinta ajnabiga ah waxay awoodi doonaan inay iibsadaan hanti gudaha Sacuudi Carabiya. Ajaanibta waxay heli doonaan xuquuqda lahaanshaha hantida ma-guurtada ah ee Sacuudiga ay ka iibsadaan .

Sharcigan ayaa lagu daabacay wargeyska Umm al-Qura Jimcihii, July 25. Waxa la hirgelin doonaa sharcigan cusub 180 maalmood gudahood.

Sharcigan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay isbedel weyn oo ku yimid siyaasadda Sacuudiga. Horaantii bishaan, golaha wasiirada ee Sacuudi Carabiya ayaa ansixiyay sharcigan.

Sida ku cad, shakhsiyaadka ajnabiga ah, shirkadaha, hay’adaha aan faa’iido doonka ahayn iyo hay’adaha maal-gashiga ayaa loo oggolaaday inay iibsadaan ama ku yeeshaan hanti meelo cayiman oo dalka ka mid ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker