Sheekadii dhexmartay Axmed Madoobe iyo janaraalkii Itoobiyaanka ahaa ee gacanta ku soo dhigay isaga oo dhaawac ah

“Dhiig badan oo Itoobiyaan ayaa lagu shubay. Waxaan kuu sheegayaa in dhiigiisu yahay Itoobiyaan” ayuu si kaftan leh u yiri Amabasadoor Wondomu Asamenew safiirkii Itoobiya ee Soomaaliya.

Axmed Maxamed Islaam oo 12-kii sano la soo dhaafay ahaa madaxweynaha maamulka Jubaland waxa uu ka mid ahaa madaxdii maxaakiimta Islaamka. Ciidamada Itoobiya ayaa dhawacay kaddibna waxaa lagu soo daaweeyay Addis Ababa.

Sida uu sheegay safiirka Itoobiya, Wondomu Asamenew, Axmed Madoobe isagoo dhaawac ah ayey ciidamada Itoobiya qabteen 19 sano ka hor markii ay Soomaaliya soo galeen. Xiligaas waxa uu ka mid ahaa Al-shabab.

Mareykanka iyo Itoobiya way raadinayeen. Mareykanka waxay ku dareen liiskooda buugga madow. Weerar cirka ah oo Mareykanku qaadeen ayuuna ku dhaawacmay.

Ciidamada Itoobiya ee howlgalka waday waxay sheegeen in ujeedkoodu uusan aheyn in ay dilaan balse u ahaa in ay qabtaan sidaasina waxaa BBC-da u sheegay korneel Gebre Ikbar Alemseged oo ahaa sarkaalkii hoggaaminayay ciidamada soo qabtay.

Axmed Madoobe waxa uu ahaa taliye ka horyimid ciidamadii Itoobiya ee soo galay Soomaaliya si ay u taageeraan dowladii kumeel gaarka ee Soomaaliya.

Taliska Raaskambooni waxaa sameeyay ururkii Al-itaxaad balse maxkamadihii Islaamka ayaa ka dhigay garab militeri.

Axmed Madoobe ma aheyn oo kaliya mas’uul weyn oo ka tirsan Al-shabaab ee sidoo kale mar ayuu ahaa qofka labaad.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker