Ninka Amerikaanka ee dilay wiilkii Falastiiniga ahaa oo xabsi ku dhex geeriyooday

Mulkiilaha guryo ku yaala gobolka Illinois ee dalka Mareykanka oo lagu helay dambi ah in uu dilay wiil Falastiini-Mareykan oo lix sano jir ahaa oo ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhintay xabsiga dhexdiisa.

Joseph Czuba ayaa lagu xukumay 53 sano oo xarig ah bishii May ka dib dilkii Wadea al-Fayoume iyo sidoo kale dhaawac daran iyo isku day dil oo loo geystay hooyadii wiilkaas, Hanaan Shaheen, sanadkii 2023-kii.

Qoyskan ayaa degenaa guryo uu ka ijaaray.

Booliska ayaa sheegay in mulkiilaha guriga uu labadan qof u beegsaday diintooda Islaamka wax yar ka dib markii uu bilowday dagaalka Israel iyo Gaza.

Waxa uu ku dhintay Waaxda Asluubta ee Illinois Khamiistii, sida uu sheegay Xafiiska taliyaha ismaamulka Will.

Wuxuu geeriyooday isagoo 73 sano jir ah. Weli lama oga waxa sababay geeridiisa, wuxuuna xabsiga ku jiray in ka yar saddex bilood.

Booliiska ayaa sheegay in Czuba uu 26 jeer mindi ku dhuftay al-Fayoume. Wiilka ayaa markii dambe ku geeriyooday isbitaalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker