Ciidamada ilaalada xeebaha Yemen oo qabtay markab Xoolo siday oo ka yimid dekedda Bosaso
Markab yar oo xoolo sida ayaa lagu qabtay isagoo ku sii jeeday xeebaha dalka Yemen 24-kii Luulyo 2025. Sababta ka dambeysa qabashada wali si buuxda looma xaqiijin, balse hay’adaha amniga ayaa tuhunsan in markabka la joojiyay kaddib markii dadka deegaanka ay arkeen goobta uu marayay oo ah goob bartilmaameed u ah Xuutiyiinta.
Wararka ayaa sheegaya in markabku marayay meel u dhow Jasiiradaha Hanish, qiyaastii 30 mayl badeed u jirta magaalada Mocha ee Yemen. Hal doon oo alwaax ah ayaa la sheegay in ay hor istaagtay markabkan, waxaana la sheegay in rasaas fudud la isdhaafsaday. Markabka ayaa amar lagu siiyay in uu u leexdo dekedda Mocha.
Warbixintii ugu dambeysay ee la gaarsiiyay xarunta la socodka maraakiibta ganacsiga badda ee UK (UKMTO) waxay sheegtay in markabku gacanta ugu jiro ciidamada ilaalinta xeebaha Yemen.
sidoo kale wakaaladda wararka Reuters ayaa dhankeeda ku warrantay in markabka la qabtay, balse la sii daayay.




